Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Sochi oo uu ka socdo shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika waxa uu kula kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Labada madaxweyne ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iskaashiga dhinaca maalgashiga iyo fursadaha maalgashi ee wakhtigan ka jira gudaha Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo Goobjoog ka ah Shirka iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalkeena.
Madashan oo ah tii ugu horreysay oo Ruushku soo qaban qaabiyo waxaa ka qeyb galaya seddax kun oo Ergo oo ka kala socota dalalka Afrika iyo Ruushka. waxay socon doonta 23-ka ilaa 24-ka Bishan iyada oo la filayo in qodobo miro-dhal ah kasoo baxaan.
PUNTLAND POST