Shirka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo furmay

Magaalada Sochi ee dalka Ruushka waxaa maanta ka furmay shirkii Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweyne Sharafeedka Afrika Abdulfataax Asiisi oo si wadajir ah u furay Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ayaa tilmaamay muhiimadda shirkani u leeyahay dalalka Afrika iyaga oo xusay dhinacyada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga ganacsiga, socdaalka iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo goobjoog ka ah shirka ayaa isaga iyo wafdigiisa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaan qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalka Soomaaliya.

Madashan oo ah tii ugu horreysay oo Ruushku soo qaban qaabiyo waxaa ka qeyb galaya seddax kun oo Ergo oo ka kala socota dalalka Afrika iyo Ruushka.

Shirkan ayaa socon doona 23-ka ilaa 24-ka bishan iyada oo la filayo in qodobo kasoo baxaan.

PUNTLAND POST