Dowladda Puntland oo 200,000 kun oo Dollar ku bixinaysa dhismaha garoonka kubadda cagta Boosaaso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni  shalay galab  ka qeyb-galay munaasabad ciyaar saaxiibtinimo oo u dhexaysay labo naadi oo ka tirsan kuwa gobolka bari ayaa shaaciyay in dowladda Puntland ay lacag dhan $ ($200,000 (laba boqol oo kun oo Dollar) ku bixinayso dhismaha garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hay’adda UNHCR ay lacag dhan $300,000 (saddex boqol oo kun oo Dollar) ku bixinayso dhismaha garoonka kubadda cagta Boosaaso “waxaan kaloo rajaynayaa in hay’adda UNHCR ayaduna ay bixindoonto lacag ku dhow ($300,000) saddex boqol oo kun oo doolar” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynaha dowladda Puntland oo dhammaadka ciyaarta la hadlay Dhallinyarada ayaa ku booriyey ka shaqaynta nabadda iyo guud ahaan horumarka Puntland sidoo kale madaxweynaha ayaa dhallinyarada ku ammaanay sida ay ula shaqeeyeen Booliska.

Dhinaca kale mudane Deni oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa la filayaa in uu maanta dib ugu laabto caasimadda Puntland ee Garoowe.

PUNTLAND POST