Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo ka tirsan hoggaanka Ahlusunna ayaa magacaabay Guddiga farsamada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka dowlad goboleedka Gamudug oo ka kooban 11 xubnood.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa horey u magacowday Guddiga farsamada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka Galmudug, kaasi oo ay ka horyimaadeen hoggaanka Ahlusunna iyo musharrixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada Galmudug.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.