jubbaland oo ka hadashay ganacsade caan ah oo xalay lagu dilay Kismaayo

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hadashay dilkii xalay magaalada Kismaayo loogu geystay allaha unaxariistee Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada Jubbaland.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaana dadka Jubbaland uga tacsiyeeyey dilka ganacsadaha.

Afhayeenku wuxuu sheegay in laamaha amniga Jubbaland ay wadaan baaritaanno lagu baadigoobayo dhagarqabeyaashii ka dambeeyey dilka.

Salaaddii cishaha kadib ayaa kooxo hubaysan waxay xaafadda Calanley ku dhaawaceen ganacsade Xaaji Siciid Ciise Cabdi, ganacsadaha ayaa daqiiqado kadib u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

HALKAAN KA DAAWO AFHAYEENKA.