Agaasimihii hore ee Radio Daljir, Axmed Sheikh Maxamed Tallman, ayaa maanta markii ugu horeysay kasoo muuqandoona maxkamada gobolka Nugaal, kadib markii 17-kii bishaan amar kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Puntland lagu xiray.
Weriye Tallman ayaa loo haystaa war ay baahisay idaacadda uu agaasimaha ka ahaa ee Radio Daljir, oo ku saabsanaa in ciidanka taliyaha booliiska Puntland ay jirdil udileen maxbuus ku eedeysanaa inuu katirsan yahay Alshabab.
Guddiga gacanta ku hayay baarista kiiska weriyaha, ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyay baarista eedeymaha, waxayna dalbadeen in weriyaha lasoo xiro, sida uu warbaahinta ka sheegay xeer ilaaliyaha.
PUNTLAND POST