Yuusuf Garaad: Dib-u-dhigga June 2020 Ma jiro xilli Soomaaliya uga xun

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay xilliga maxkamada ICJ ku beegtay dhegeysiga wareegga 2aad ee dacwadda badda ee Soomaaliya oo ah june 2020, in ay tahay xilli waddanku ku jiro olole doorasho.

Yuusuf Garaad wuxuu sheegay xilligaas in uusan jirin xilli uga xun Soomaaliya, maadaama muxaafid iyo mucaaradba ay ku mashquusalsan yihiin herdanka ololaha doorashada madaxtinimada.

Dhinaca kale, koox Kenya ah, ayaa ka codsaday maxkamadda sare Kenya inay ku khasabto dowladda in ay ka laabato muranka baddeed ee ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, iyaga oo ku dooday in go’aanka ka qeybgalka dacwadan uu ahaa mid khaldan.

Kooxdaan oo ay qareeno ku jiraan, ayaa cabsi weyn ka muujiyay waxa dhici kara haddii maxkamada caddaaladdu Soomaaliya u xukunto dhul badeedka lagu muransan yahay, markaas dowladda Kenya waxay ku qasban tahay inay u hogaansanaato go’aanka maxkamada.

Waxay sheegaan sababta kaliya ee wax looga qaban kara arintaas in ay tahay in Kenya mudnaanta siiso danaha qarankeeda oo sharafteedu ku jirto.

PUNTLAND POST