
Senator Maxamuud Mashruuc oo ka tirsan senatorada Puntland u matala aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa sharci darro ku tilmaamay warqad kasoo baxday Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland oo lagu mamnuucay in wax xafiis ah ay Puntland ka furtaan cid ka tirsan dowladda Federaalka.
Go’aankaan ayaa kusoo beegmay, kadib markii Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka aqalka hoose, Jamaal Maxamed Xasan uu xafiiska xiriirka bulshada ka furtay gobolka Sanaag.
Senator Mashruuc ayaa sheegay go’aankaan inuu ka hor imaanayo dastuurka Dowladda Federaalka Soomaliya qodobkiisa 61aad farqadiisa 2aad oo qeexaysa waajibaadka iyo matalaada xildhibaanada.
“Kala duwanaashaha fikirka nooca doorashada dalka ka dhici doonta 2020 ama in mudanahu ka fikir siyaasad duwan yahay xukuumadda Puntland looma adeegsan karo is hor taagga xuquuda matalaadda xubnaha Baarlamaanka Federalka Soomaaliya iyo deegaan doorashadooda,” ayuu yidhi Mashruuc.
Mashruuc ayaa ugu baaqay xukuumadda Puntland inay ka fogaato wax kasta oo dhaawici kara midnimada Qaranka Soomaaliyeed, isagoo xasuusiyay in Puntland xubin ka tahay dawladaha xubnaha ka ah Dawaldda Federaalka Soomaaliya ayna ku leedahay xubno matalaad.
HALKAAN HOOSE KA AKHRISO GO’AANKA WASAARADDA

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.