Maxaa dhexmaray wasiirka cadaaladda Puntland iyo culimada?

Wasiirka Caddaalada Puntland Cawil Sheikh Xaamud

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland, Cawil Sheikh Xaamid, ayaa ugu baaqay culimadu inay faraha kala baxaan arrimaha siyaasada, oo ay dowladda uga dambeeyaan.

Wasiirka ayaa isugu yeeray culimada qeybahooda kala duwan, wuxuuna u sheegay inay dowladda aad uga xun tahay in culimada masaajida uga hadlaan arrimo ku saabsan safarkii Kismaayo.

Cawil Sheikh Xaamid, ayaa uga digay in loo adeegsado dano siyaasadeed oo lagu majara habaabinayo midnimada Puntland ayna doorkooda ku aadan ka shaqeynta nabad gelyada shacabka.

Warbaahinta Puntland Post oo la xiriirtay qaar kamid ah culimada, ayaa u sheegay, in culimada garawshiyo ka bixiyeen hadalka dowladda dhifsatay ee lagasii daayay mid kamida masaajida Garowe.

Waxay sheegeen in ay mar walba u taagan yihiin midnimada iyo nabadgalyada Bulshada ayna kasoo horjeedaan wax kasta oo dhibaato ku ah wadajirka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

In culimada ka hadlaan siyaasada ma ahan wax hadda cusub, laakiin ka hadlida mowduucaan ku saabsan arrimaha Kismaayo, ayaa waayahaan dambe dowladdu u arkaysay cidii ka hadasha in laga dhex hadlayo.

PUNTLAND POST