Ra’iisul wasaare Khayre oo ka qeyb-galay shirka Bankiga Aduunka iyo IMF

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa Magaalada Washington DC ee Caasimadda Dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga iyo hey’adda Lacagta Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu uga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta Dalka iyo sida ay Dowladda Soomaaliya uga qo’antahay buuxinta shuruudaha ku xiran in Dalka deynta laga cafiyo.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Dowladda Ingiriiska ayaa xubnihii ka qeyb galay waxay isla qireen in Soomaaliya ay gaartay guula muhiim u ah mustaqbalka Dalka iyo gaaridda barta go’aanka ee deyn cafinta Dalka, waxa ayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada iyo Garab istaagga Soomaaliya.

PUNTLAND POST