
Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Itoobiya ayaa Talaadadii duulimaadkeedii ugu horreeyay oo caalami ah oo siday 154 qaxooti Soomaali ah geysay dalka Jarmalka.
IOM waxay taageertay Barnaamijka Dib-u-dejinta Jarmalka dadaalka ay ugu jiraan dib u dajinta 500 qaxooti ah oo ku nool Itoobiya si Jarmalka loogu diro tan iyo bisha Maarso.
Qaxooti kale oo tiradoodu tahay 220 ayaa u ambabixi doona Jarmalka, waxayna raacidoonaan duullimaad labaad oo ay hay’adda IOM leedahay, badhtamaha Noofembar. Inta badan dadkaasi waxay horey u mareen waraysiyo muhiim ah iyo qiimeyn caafimaad.
Sanadkaan 2019 oo keli ah, IOM waxay caawisay 4,000 oo qaxooti ah si ay dib u dajin uga helaan dalal cusub iyadoo taageero ka helaysa UNHCR.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.