Suldaan Cabuud Cabdi Ismaaciil Balbalaare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoowe

Suldaan Cabuud Cabdi Ismaaciil Muuse (Balbalaare), oo ka soo jeeda mid kamid ah saldanooyinka faca weyn ee Soomaaliyeed, ayaa maanta si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Saldaanka waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay isimo, waxgarad, aqoonyahanno, ganacsato, dhalinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimadda Garoowe.

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo kamid ah isimada soo jireenka ee dowladda Puntland, oo ka hadlay soo dhaweynta suldaanka ayaa yiri ” gacmo furan iyo qalbi furan ku soo dhawoow, taariikhda aad Puntland iyo dadkeeda ku leedahay waa wax qoran oo baal dahab ah baad kaga jirtaa. Dadkaa waxa soo kiciyay maanta waa magaca aad dalka iyo dadka ku leedahay”.

Sidoo kale, dhammaan waxgaradkii, nabaddoonadii , isimadii, aqoonyahannadii, ganacsatadii iyo bulshadii kale ee halkaasi ka hadashay ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay suldaanka, iyagoo si weyn u amaanay taariikhda faca weyn ee uu dalka iyo dadka u dhex leeyahay.

Ugu dambeyntii, Suldaan Cabuud Cabdi Ismaaciil Muuse (Balbalaare) ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii sida diirran ugu soo dhaweeyay magaalada Garoowe.

Hoos ka eeg sawirada soo dhaweynta

PUNTLAND POST