Wadamada Jaamacadda Carabta oo ku kala qeyb samay howlgalka Turkiga ee Syria

Wasiirka Arimaha Dibada ee Morocco Nasser Bourita, ayaa cadeeyay in dhaleecaynta Jaamacadda Carabta ee ka dhanka ah Turkiga ee lagu soo qaaday kulankooda xaaladaha degdega ah ee 12ka Oktoobar uusan ka turjumeyn mowqifka Morocco.

Jaamacadda Carabtu waxay soo saartay bayaan ay ku cambaareyneyso militariga Turkiga Howlgalka Nabadda ee Waqooyiga Siiriya. Tallaabada Turkiga ayaa sidoo kale waxaa dhalleeceeyay UK, dhowr dowladood oo Yurub ah, iyo waddamada Jaamacadda Carabta.

,Turkiga wuxuu doonayaa inuu adkeeyo xuduudahiisa iyadoo laga ciribtirayo argagixisada halkaas ka jirta isla markaana la xaqiijiyo soo celinta amaan ee qaxootiga Suuriya iyo xasiloonida dhuleed ee Syria,” ayaa lagu yiri warbixin lagu daabacaywakaaladda Anadolu.

Qatar iyo Soomaaliya ayaa labaduba diiday bayaanka. Morocco sidoo kale waxay ku biirtay labada dal, iyadoo Bourita uu ku nuuxnuuxsaday in bayaanka Jaamacadda Carabtu uusan ka tarjumeyn mowqifka waddanka Waqooyiga Afrika.

Dalka Liibiya ayaa sidoo kale isna diiday bayaanka.

PUNTLAND POST