Dowladda Puntland oo shaacisay in shahaadooyinka ardayda Puntland laga bixin doono Garoowe

Dowladda Puntland ayaa shaacisay in ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya heshiis rasmiya kala gaartay habka bixinta shahaadooyinka ardayda reer Puntland ee sannadkan dhammaysay dugsiyada sare.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland Professor Cabdullaahi Maxamed Xassan oo caawa khadka taleefonka kula hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in dowladda Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku heshiiyeen in shahaadooyinka ardayda Puntland lagu soo sameeyo magaalada Muqdisho kadibna si toos ah looga bixiyo xarunta wasaaradda Waxbarashada Puntland ee caasimadda Garoowe.

Dhinaca kale wasiirka ayaa gebi ahaanba beeniyay warar lagu qoray baraha bulshada oo sheegaya in arday reer Puntland ah oo deeq waxbarasho heshay lagu xannibay garoomada waddanka Ethiopia kadib markii loo diiday Vissaha (dal-ku’galka) waddankaasi.

Mudane Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa xaqiijiyay in ardaydii reer Puntland ee deeqda waxbarasho ka helay dalka Ethiopia aysan weli ka bixin Puntland islamarkaana hadda la diyaarinayo barnaamijkii ay ku bixi lahaayeen isagoo xusay in ay dhowaan tegi doonaan.

Hoos ka daawo wareysiga wasiirka

PUNTLAND POST