Siyaasi Siciid Diiriye: Madaxweyne Deni waa mukhlis

Siyaasi Siciid Diiriye Maxamed oo kamid ah as’aasayaashii dowladda Puntland, ayaa si adag u naqdiyay hadal ka soo yeeray xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo shalay ka hadlay magaalada Garoowe, kuwaasi oo dhaliilay hoggaaminta madaxweyne Deni.

Siyaasiga ayaa sheegay, in xildhibaannada Baarlamanka Puntland ay u xil-saaran yihiin la’xisaabtanka iyo toosinta xukuumadda, taasina ay leedahay hannaan loo maro, si loo saxo dhaliilaha jira, balse ay xildhibaannada qalad ku tahay, in ay bulshada ku kiciyaan dowladda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xildhibaannadu ay awood u leeyihiin, haddii ay arkaan wax qaldan, in ay si toos ah madaxweynaha ula wadaagan, islamarkaana kula xisaabtaman wixii uu qalday, iyagoo aan warbaahinta ka dhaliilin.

Wixii wax sixi lahaa waxa weeye Baarlamanka, haddii ay wax qaldan arkaan, in ay shaaciyaan oo dalka iyo dadka fidneeyan lagama rabo, ee waxa laga rabaa in ay la wadaagan madaxweynaha oo yiraahdan: madaxweyne waxaan waad ku qaldantahay.” ayuu yiri Siciid Diiriye.

Dhinaca kale, Siyaasiga ayaa bogaadiyay hoggaaminta madaxweyne Deni iyo shaqooyinka uu qabtay mudadii uu xilka hayey, waxaana uu shacabka Puntland ugu baaqay, in ay ilaashadan nabadda iyo horumarka ay haystaan.

Halkaan ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST