Maxkamada gobolka Nugaal oo dambi ku weyday rag kufsi ku eedeeysnaa

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta dambi ku weyday eedeesanayaal loo haystay inay geysteen falal kufsi ah oo ka dhacay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Eedeysanayaasha oo la horkeenay maxkamada ayaa dhammaantood laga dhaariyay dambiyada loo haystay oo ahaa kufsi.

Kadibna guddoomiyaha maxkamadda Sheikh Cabdinuur Jaamac Xuseen, ayaa sheegay mar haddii maxkamadu aysan haynin wax caddeymo ah in raggaasi beri ka yihiin dambiyadooda.

Maxkamadu waxay dhaarta ku jiiday shan qof oo afar kamid ah ay ku eedeysnaayeen kufsi wadareed. Halka mid kalena uu kaligiis ku ahaa kiis kufsi ah.

Qareenada dacweynayay raggaasi ayaa racfaanka ka qaatay go’aanka maxkamaddu gaartay.

Dhawaan, waxaa la filayaa in maxkamada la horkeeno eedeesanayaal loo haysto kufsi iyo dil 12kii bishii Abril ee sanadkaan Garowe loogu geystay haweenay xaas ahayd oo gurigeeda loogu dhacay.

Puntland Post