Guddoomiye Faahiye: Hal bogcad oo dowladdu leedahay Qardho kama jirto dhulkii dowladda shacab ayaa ku habsaday

Guddoomiye Siciid Maxamed Faahiye

Guddoomiyaha gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post ayaa faahfaahin ka bixiyay awaamiir kala duwan oo uu soo saaray maamulka gobolka Karkaar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in awaamiirta ay soo saareen ay ku socoto xakamaynta bogcadaha dhulka ee ku yaalla hareeraha magaalada Qardho oo dad shacab ah isaga habsadeen islamarkaana sababa isku dhacyo dhexmara dadka isku dirira dhulkaasi.

Hub kasta oo meeshaasi lala tago oo la isku dayo in amniga wax loogu dhimo ciidanka amniguna ay gacanta ku dhigaan wuxuu noqonaya hub dowladdu leedahay oo ciidanka amnigu ay toos ula wareegayaan” ayuu yiri guddoomiye Faahiye.

Sidoo kale guddoomiyaha waxa uu sheegay in dhammaan dhulkii dowladda ee ku yaalla magaalada Qardho ay si sharci-darro ah ugu habsadeen dad shacab ah kuwaasi oo guryo iyo dhismayal ka samaystay.

Haddeer dhul dowladi leedahay maba jiraba dhulkii oo dhan waxaa la isaga mulkiyay si qayral sharciya. Maanta hadday dowladdu u baahato isbitaal ama iskuul ama wuxuun danta caamka ah lagu fulinayo hal bogcad oo dowladu leedahay ma jiro” ayuu yiri Faahiye

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in ay u qorshaysantahay tallaabo cad in laga qaado dadka boobka ku haya dhulkii dowladda iyo kuwa kale ee sida sharci-darrada ah bogcadaha ku hantiyay.

Halkan ka daawo wareysiga guddoomiyaha oo dhan

PUNTLAND POST