Booliiska gobolka Bari oo soo bandhigay in ka badan 60 dhalo oo khamriya iyo raggii watay

G/sare Xuseen Cali Maxamuud

Taliska Booliiska gobolka Bari ayaa saaka soo bandhigay in ka badan 60 dhalo oo khamri ah iyo saddex nin oo gaari ku siday kuwasi oo lagu qabtay kantaroolka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Khamrigan oo Lagu waday gaari Nooca loo yaqaano Candha-mayd Laha waxaa Gacanta ku soo dhigay ciidanka Booliiska ee ku sugan kantaroolka Boosaaso xill la doonayey in la geliyo gudaha magaalada.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyay goobta lagu soo bandhigay khamriga ayaa sheegay in khamriga iyo saddexda nin ee watay maxkamad la hor-geyn doono si sharciga loo mariyo.

Sidoo kale taliyaha ayaa wacad ku maray in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo mar kale isku dayda in ay khamri ama daroogo kale soo geliso gudaha magaalada Boosaaso.

Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST