Xog: Dowladda Puntland oo ku gacan-sayrtay dalab uga yimid Villa Somalia

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo shalay socdaal aan la sii shaacin ku tegay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa xalay halkaasi kulan saacado qaatay kula yeeshay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirrada la kulmay madaxweyne Deni oo dhammaantood ka soo jeeda degaannada Puntland, waxa kamid ah wasiirka Arrimaha debadda Axmed Ciise Cawad, wasiirka Qorshaynta, Jamaal Xasan Maxamed, wasiirka Kalluumeysiga , Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo xubno kale.

Sida ay xaqiijiyeen Ilo’ lagu kalsoonyahay, wefdiga ayaa madaxweyne Deni u soo bandhigeen in la xalliyo khilaafka u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Puntland, si meesha looga saaro mad-nadowga labada dhinac.

Sidoo kale, waxay ka dalbadeen in Puntland aysan ka qeyb-gelin, munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaan oo la filayo in ay dhowaan ka dhacdo magaalada kismaayo.

Madaxweyne Deni ayaa sida ilo’ ka tirsan xafiiskiisa ay xaqiijiyeen, wuxuu wefdiga u sheegay in Puntland mar walba diyaar u tahay in wada-hadal lagu xalliyo, khilaafka kala dhexeeya Villa Somalia, haddii si dhab ah looga wada-hadlayo dhammaan arrimaha ay ku muransan yihiin labada dhinac.

Balse, wuxuu gebi ahaanba diiday dalabkii ay hor-dhigeen ee ku aaddanaa in aysan Puntland ka qeyb-gelin caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, waxaana uu si cad u sheegay in Puntland aysan cidna fasax uga weydiisan doonin ka qeyb-galka caleema-saarkaasi.

Kulanka labada dhinac ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday, waxaana la filayaa in wasiirada Federaalka ay maanta dib ugu laabtan magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST