Villa Somalia oo dhex fariisatay mowjado musuq maasuq ah

Hanti Dhowrka Guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin dheer oo ahayd baaritaankii lagu sameeyay isticmaalka miisaaniyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2018.

Warbixinta ayaa sheegtay in Lacag dhan $1,350,400 oo dakhli ahaan Dowladda u soo gashay oo la isticmaalay iyada oo aan la sheegin qaabka ay ku baxday.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay iyadoo aan la sheegin halka Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay qabteen US $577,014 ayna isticmaaleen iyagoo aan xisaab-celin ka samayn.

Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 waana isticmaashay iyadoo aan soo sheegin sidoo kale Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay.

Dhinaca kale Midowga Yurub (EU) wuxuu ku wareejiyay Wasaaradda Maaliyadda lacag dhan $17,004,816 laakiin warbixinta maaliyadeed ee sannadkaas oo la soo bandhigay waxay sheegtay kaliya $13,266,667.

Lacag ka timid Sacuudi Carabiya oo haraageeda billowgi sannadka 2018 ahaa $20,000,000 (million) ayaa iyadana $ 6,070,868 ka mid ah lagu soo bandhigay warbixinnada maaliyadeed ee 2018, taasoo ahayd intii lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda, halka inta kale ee $ 13,929,132 oo taaley xisaab-socoto ka furan bangi

UNPOS waxay Wasaaradda Maaliyadda ku wareejisay lacag dhan US $1,254,743, laakiin xisaabaadka Wasaaradda Maaliyadda waxaa laga heley oo kaliya lacag dhan $535,292 isla sannadkaasna lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda.

Halkaan ka akhriso warbixinta Hanti-dhowrka oo dhan

PUNTLAND POST