Maxkamada gobolka Nugaal oo la horgeeyay eedeesanayaal loo haysto Kufsiyo ka dhacay Garowe

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta la horkeenay eedeesanayaal kala duwan oo ku eedeysan kufsiyo ka dhacay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Mid kamid ah eedeesanayaasha ayaa loo haystaa inuu kufsaday gabadh yar oo jirta 2 sano iyo sagaal bilood, kufsigaas oo loogu geystay xaafadaha dadka barakacayaasha ahi ku nool yihiin.

Qoyska gabadhaan oo ku sugnaa maxkamada, ayaa Puntland Post u sheegay in gabadhooda la kufsaday labo todobaad kahor islamarkaana gacanta lagusoo dhigay ninkii falkaas geystay.

Waxaa sidoo kale maxkamada la horkeenay eedeesanayaal rag iyo dumarba leh oo loo haysto kufsi kale oo ka dhacay Garowe.

Qoysaska dhibbanayaasha ayaa ku sugnaa maxkamada, iyagoo sugayay inay cadaalad helaan, laakiin maxkamada ayaa dib u dhigtay kiisaskaan go’aan ka gaaridooda, iyadoona weli ay socoto dhegaysigooda.

Warbaahinta Puntland Post ayaa idiin soo gudbindoonta macluumaad dheeraad ah oo ku sugnaa warkaan.

Puntland Post