Jubbaland oo sheegtay in duleedka Kismaayo ciidankeedu ku dileen saraakiil Shabaab ah

Warbhaainta ku hadasha afka Jubbaland, ayaa qortay in ciidanka ammaanka Jubbaland oo hawlgallo ka sameeyay galbeedka magaalada Kismaayo ay ku dileen horjoogayaal ka mid ah Al shabaab.

Hawlgalkaan oo la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Beerxaani ayaa lagu dilay shan kamid ah kooxda Al-Shabaab oo uu ku jiray madaxii Maaliyadda Alshabab ugu qaabilsanaa dhulka miyiga ah, kaasoo magac afgarashadiisu ahayd Cali.

Howlgalkaan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo magaalada Kismaayo iyo degaanada ku xeeran ammaankooda aad loo sugay maadaama halkaas lagu qabanayo xaflada caleemo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa saraakiisha ciidanka amray in gacan bir ah lagu qabto ammaanka Kismaayo islamarkaana lala socdo dhaqdhaqaaqa garoomada diyaaradaha iyo baraha kantaroolada.

Puntland Post