Puntland oo shaacisay in ay dib u celisay 3000 oo soogalooti Ethiopian ah

Kulanka wasiir Dhabancad iyo qunsulka Ethiopia

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post ayaa ka warbixiyay kulan uu maanta Garoowe kula qaatay qunsulka dowladda Ethiopia u fadhiya caasimadda Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in kulanka dhexmaray isaga iyo qunsulka Ethiopia uu ku saabsanaa siyaasadda xakamaynta qulqulka muhaajiriinta u dhashay waddanka Ethiopia ee soo galaya gudaha Puntland iyo ilaalinta xuquuqda dadkaasi tahriibayaasha ah.

Mudane Dhabancad ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Puntland ay dib u celisay ilaa 3000 kun oo muhaajiriin Ethiopian ah kuwaasi oo dalbaday in dib loogu celiyo waddankoodi halka hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ay gudaha Puntland dib uga celisay in ka badan 300 boqol oo isla muhaajiriin Ethiopiana sida wasiirku sheegay.

Waxa kale oo wasiirku sheegay in iyadoo lala kaashanayo qunsuliyadda Ethiopia ee ku taalla Garoowe uu weli socdo qorshaha dib u celinta muhaajiriinta iyo tahriibayaasha u dhashay waddankaasi ee soo galaya gudaha Puntland.

Dhinaca kale wuxuu caddeeyay in dowladda Puntland ay ka go’antahay daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda dadkaasi duruufaysan ee muhaajiriinta ah islamarkaana ay qunsuliyadda Ethiopia isla garteen in la xakameeyo qulqulka tahriibayaasha.

Hoos ka daawo wareysiga wasiirka

PUNTLAND POST