Xildhibaano kasii digay mooshinka laga keeno guddoomiye Dhoobo

Xildhibaano katirsan barlamaanka dowladda Puntland ayaa difaacay guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed), oo warar aan weli la xaqiijin ay sheegayaan in mooshin xil ka qaadis ah loo abaabulayo.

Xildhibaanada difaacaya guddoomoye Dhoobo ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah saaxiibadooda ay isku golaha yihiin in ay suuqa galiyeen in khilaaf xoogani uu ka taagan yahay barlamaanka dhexdiisa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore oo kamid ah barlamaanka kana tirsan dadka dhaliisan xukuumada haatan jirta, ayaa ka digay mooshinkaan, wuxuuna sheegay in guddoomiye Dhoobo uusan gelin wax dambi ah oo mooshin lagaga keeni karo.

Xidlhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri oo isna golaha katirsan ayaa ah xildhibaanka warbaahinta kasii daayay walaaca uu ka qabo in qaar kamid ah xubnaha barlamaanka wadaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha.

Warbaahinta Puntland Post oo la xidhiidhtay xubno katirsan golaha wakiilada ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arrintaan, balse waxay inoo xaqiijiyeen inuu jiro guux ka dhan ah guddoomiyaha.

Kalfadhiga barlamaanka Puntland oo furmidoona 25-ka bishaan ayaa haatan waxaa socda diyaarinta jendayaashiisa, waana halka lagu ogaandoono xqqiiqada mooshinka guddoomiyaha iyo in kale.

Hase yeeshee, markii dib loo raaca taariikhda, barlamaankii hore ee Puntland ayaa riday giddoomiyahooda Saciid Xasan Shirre kadib markii ay si kedis ah uga keeneen mooshin xilka looga qaadayo, inkastoo markii uu ka war helay mooshinkaas uu is casilay.

Puntland Post