Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo kormeer ku sameeyay howlgalka bannaynta dhulka danta guud

Wasiirka Caddaalada Puntland, Cawil Sheekh Xaamid, Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse iyo xoghayaha degmada Garowe Maxamuud Cali Gurey, ayaa maanta kormeer ku sameeyay howlgalka bannaynta dhulka dowladda.

Masuuliyiinta ayaa ka jawaabay cabashooyinka shacabka kasoo yeeray islamarkaana sheegay inay dowladdu dhegaysanayso cid waliba oo dood ka qabta tilaabooyinka dowladdu wado.

Kadibka kormeerka, warbaahinta Puntland Post ayaa wareysatay masuuliyiinta, waxaana aan weydiinay inta uu soconayo howlgalka iyo qorshaha ku xiga kadib burburinta.

Halkaan ka daawo.

PUNTLAND POST