Madaxweyne Deni oo magacaabay Taliyaha Booliska Nugaal

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Taliye cusub u magacaabay qaybta Booliska gobolka Nugaal.

Madaxweyne Deni ayaa Taliyaha qaybta gobolka Nugaal u magacaabay G/Dhexe Muumin Cabdi Shire, oo horay u ahaa Taliye ku xigeenka ciidamada madaxtooyada.

Muumin Cabdi Shire oo ku magac dheer (Muumin Madaxweyne) ayaa ka hor inta aan loo magacaabin Taliya qaybta Booliska gobolka Nugaal, waxaa digreeto Madaxweyne loogu dalacsiiyay darajada G/Dhexe.

G/Dhexe Muumin Cabdi Shire oo ah sarkaal dhalinyaro ah oo firfircoon ayaa hogaaminayay howlgalka loogu magacdaray Tayeynta caasimada oo dowladdu kula wareegayso hanti dadweyne oo muddo 30 sano ah gacanta ugu jirtay dad gaara.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Nugaal waxaa horay si ku meel gaara u hayay Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Digreetada dalacsiinta

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-76 Oktoobar 05, 2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey

  1. Waxaa Gaashaanle Muumin Cabdi Shire loo dalacsiiyey
    derajada G/Dhexe

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Digreetada magacaabista

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-79 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey

  1. Waxaa G/Dhexe Muumin Cabdi Shire loo magacaabay
    Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

PUNTLAND POST