
Ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen ilaa 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.
Ciidanka ayaa sheegay in hawlgalka ay ka fuliyeen tuulooyin hoos yimaada degaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 55km dhanka bari ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Telefishinka Jubbaland TV oo xiganaya Abaanduulaha Guutada 1-aad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Khiyaar Cabdi Maxamed ayaa xaqiijiyay in xubnaha howlgalka lagu dilay uu ka mid ahaa madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa degaannada galbeed ee degmada Kismaayo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in malayshiyaadka la dilay ay ku jiraan xubno Miinooyinka u qaabilsanaa Al-shabaab oo uu magacyadooda ku sheegay Tasmiir iyo Cadaani kuwaas oo ay Ciidamada Jubbaland ay muddo ku raad joogeen.
Ciidamada Daraawiiishta Jubbaland ayaa sheeganaya hadda in ay gacanta ku haya islmarkaana xaqiijiyeeb amaanka Tuulooyinka hoos yimaada degaanka Cabdalla Biroole.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.