Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshaha soo xulista xubnaha Baarlamaanka 2-aad iyo doorashada madaxweynaha Jubbaland ee 2019,ka, ka dib markii horay Wasaaradda ay u qaadacday natiijada doorashooyinkii ku soo gabagaboobey fashil ka dhashay afduub iyo musuqmaasuq cad oo lagu sameeyey hannaankii iyo habraacii doorashada ee dastuurku qeexayey.
wasaaradda ayaa habraacan ku tilmaantay mid abuuri doona kalsooni lagu qabi karo Baarlamanka loo soo doori doono Jubaland iyo natiijada doorashada madaxtinimada maamulkaasi.
Sidoo kale waxay sheegtay in uu ku dhisanyahay xaqiiqada jirta islamarkaana waafaqsanyahay Dastuurka federaalka iyo kan Jubaland uuna xaqiijinayo isfaham iyo midnimo buuxda oo laga gaaro khilaafaadka taagan.
Shaacinta habraacan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli ay ka socoto magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Jubbaland caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.