Kadib canaantii Madaxweyne Deni uu kula kacay golihiisa wasiiradda, ayaa dhalisay in qaar kamid golaha wasiiraddu bilaabaan olole ismuujineed.
Xubno badan oo ka tirsan golaha xukuumada oo ay Puntland Post ka gaabsatay inay tilmaam ka bixiso, ayaa abaabulay wada tashiyo ay la yeelanayaan beelaha ay kasoo jeedaan.
Wasiiradda oo isticmaalaya baraha bulshada iyo qeybo warbaahinta ka mid ah ayaa kusoo bandhigaya macluumaadka kulamada ay la qaadanayaan dadka ay ku matalaan arrimaha siyaasada.
Qaar kale oo golaha waaiiradda ka tirsan ayaa baraha bulshada lasoo dhigay iyagoo ku jira arrimo safamaleed. Farriinta ay bixinayaan ayaa umuuqatay olole ismuujin ah iyo inay ka jawaabayaan canaantii madaxweynaha.
Ka sakow canaanta madaxweynaha, waxaa golaha wasiiraddu culays badan ka saaran yahay isku shaandhayn la filayo in madaxweynuhu ku sameeyo golihiisa inta uusan sanadku dhamaan.
PUNTLAND POST