
Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa ka soo horjeestay go’aan ka soo baxay Guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari, kaasi oo bulshada magaalada Boosaaso lagu amray in haddii ay shirar qabsanayaan ay sii ogaysiiyan maamulka gobolka, si dowladdu u xaqiijiso amniga shacabka.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha dowladda Puntland, ayaa looga dalbaday Guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari, in ay ka laabtaan go’aankooda, waxaana xafiiska oo cuskanaya qodoba kamid ah Dastuurka Puntland uu in go’aankaasi ku tilmaamay mid lagu cabburinayo xarriyadda iyo xuquuqda shacabka.
Xafiiska ayaa ku taliyay in la dhawro, xuquuqda iyo xorriyadda Dastuurka iyo xeerarka kale ee Puntland u degsan ay siinayaan muwaaddiniinta reer Puntland, isagoo ka digay in la cabburiyo cabashada iyo fikirka muwaaddiniinta, sida qoraalka ku xusan.
Hoos ka akhriso qoraalka oo dhan

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.