Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha dowladda Puntland Abdiweli Mire Xirsi, ayaa ku baaqay in si degdeg ah sharciga la horgeeyo saddex xildhibaan oo katirsan golaha degaanka Garowe oo uu ku eedeeyay inay afduub ugeysteen duqa degmada Garowe Axmed Barre.
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ayaa caddeeyay inaysan wasaaradda arrimaha guduhu ka leex leexandoonin sidii tilaabo looga qaadi lahaa saddexdaan xubnood oo dacwadu ku furan tahay.
Waxa uu ugu baaqay laamaha ay quseyso arrintaan inay si degdeg ah ugu howlgalaan sidii arrintaan jawaab looga bixin lahaa, isagoo sheegay inaan loo dulqaadanayn falalka nuucaan ah oo dowladnimada wax u dhimaya.
Warbaahinta Puntland Post oo xiriir la sameysay qaar kamid ah xildhibaanada dacwada laga gudbiyay ee lagu eedeeyay inay afduubteen duqa Garowe, ayaa diiday inay ka hadlaan arrintaan.
Puntland Post