Puntland Post oo wareysatay Maxamed Cabdi Horeeye oo ah keyd haye taariikhda Puntland

Warbaahinta Puntland Post ayaa maanta wareysatay kayd haye sare Maxamed Cabdi Cabdulle (Horeeye) oo gacanta ku haya ducementiyo taariikhihi ah oo ku saabsan dadaaladii lagasoo maray dhismihii dowladda Puntland iyo caasimadda Garowe.

Maxamed Horeeye ayaan wax ka weydiinay sida ay ugu suurto gashay inuu kaydiyo muuqaalo uu duubay ku dhawaad 30 sano ka hor, laakiin aysan jirin dowlad illaa iyo haatan isku howshay inay ducementiyadaas oo dhaxal gal ah kala wareegto.

Horeeya waxaa uu haatan gacanta ku hayaa illaa ku dhawaad 10 jawaan oo cajalado ah oo ay ku dhan yihiin taariikhda Puntland, waxaana dhawaan qeyb kamid ah oo uu ku wareejiyay dowladda hoose ee Garowe lagu faafiyay baraha Facebook.

Halkaan ka daawo.