Barlamaanka dowladda Puntland, ayaa gobolada u kala diray guddiyo kala duwan oo warbixino kasoo diyaariya xaaladaha gobolada iyo in ay kormeer ku sameeyaan shaqooyinka hay’addaha xukuumada.
Guddiyadaan ayaa warbixinada ay kasoo diyaariyaan waxay horkeenidoonaan kalfadhiga soo socda ee furmidoona 25 bishaan Actober, kaasoo caadiyan lagula xisaabtamo xukuumada.
Warbixino horudhac ah oo ay guddiyadu kasoo diyaariyeen ayay walaac kaga muujiyeen xaaladaha xabsiyada Puntland ay ku sugan yihiin iyo xaalufka lagu hayo degaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland.
Guddiyadaan waxay sidoo kale warbixino xasaasi ah ka diyaariyeen xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee Puntland haatan ku sugan tahay, walow aysan warbaahinta kasii daynin.
Madaxweyne Deni oo dhawaan si kulul u canaantay golihiisa wasiiradda ayaa ku amray inay gobolada tagaan oo ay shacabka ay matalaan lasoo hadlaan kanasoo dhegaystaan baahiyaha ay qabaan.
Haatan badi inta badan wasiiraddu waxay ku maqan yihiin gobolada waxayna dhinacooda ka diyaariyaan warbixintii xukuumadu la hortagi lahayd golaha barlamaanka.
Puntland Post