Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa iclaamiyay in xaflada caleemo saarkiisa ay dhicidoonto sagaalka bishaan Actober, kadib markii dhawaan dib loo dhigay xafladaan.
Xayiraad dhinaca safarka ah ayaa weli saaran cid waliba oo doonaysa inay ka qeyb gasho caleemo saarka Axmed Madoobe, maadaama dowladda federalku diiday natiijada doorashadii Kismaayo.
Marti sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin madaxweynayaal dowlad goboleed iyo xubno ka socda Somaliland, oo isku diyaarinaya inay ka qeyb galaan, ayuu go’aanka dowladda federalku si toos ah u saameeyay.
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in loogu awood sheegtay maamulka hawada Soomaaliya oo aad loogu hanwaynaa sidii Soomaaliya ay gacanteeda usoo gali lahayd.
Hase yeeshee, waxay sheegtay in xukuumada Federaalku masuul ka noqon karin maamulka hawada maadama ay arimo siyaasadeed u adeegsanayaan oo lagu dhibaataynayo dadka shacabka ah.
Puntland Post