
Guddoomiye ku xigeenka kowaad, ahna ku-simaha guddoomiyaha gobolka Bari, Axmed Cali Cabdullaahi oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post, ayaa faahfaahiyay awaamiir la xiriira sugidda amniga oo ka soo baxay maamulka gobolkaasi Bari.
“Waa jirtaa warqaddaasi, waxaan soo saarnay saddexdii bisha, waxaana soo saaray guddiga nabad-gelyada gobolka, waxaanna kaga hadlayney, in aan shirar gaar-gaar ah oo aysan ogayn guddiga nabad-gelyada gobolku, aan lagu qaban Karin hoteelada magaalada Boosaaso” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in cid kasta oo shir qabsanaysa laga doonayo, in ay soo ogaysiiyaan guddiga nabad-gelyada gobolka Bari, si ay ogolaansho uga qaadato guddiga, islamarkaana mas’uuliyad la isga saaro sugidda amnigooda.
“Ciddii rabta in ay shirto, waxaa la rabaa in ay soo ogaysiiso maamulka gobolka, si permission ay uga qaadato guddiga nabadgelyada gobolka” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Guddoomiye ku xigeenka kowaad, ahna ku-simaha guddoomiyaha gobolka Bari.
Mudane Axmed Cali waxa uu tilmaamay in ay go’aankan u qaateen, si loo ilaaliyo amniga cid kasta oo shir qabsanaysa, maadaama ay iyagu u xil-saaran yihiin sugidda amniga shacabka, si aysan kooxaha argagixisada ah uga faa’idaysan goobaha shirarka oo qaraxyo ula beegsan.
Go’aankan ayaa ku soo beegmay, xilli madaxweynaha Puntland oo ku sugan yahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasi oo uu maalmihii la soo dhaafay kulamo kula yeeshay maamulka gobolka Bari iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Hoos ka daawo wareysiga oo dhan
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.