Maraykanka oo 30 sano kadib dib u furey safaaradiisa Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u furtey safaaradeedii Soomaaliya ku dhawaad sodon sano markii dalku ku burburay dagaaladii sokeeye ee waddanka ka dhacay.

Bayaanka Arbacadii kasoo baxay safaarada ayaa lagu sheegay furitaanku inuu ka turjumayo horumarka dhowaan ka dhacay dalka Geeska Afrika oo weli la kulmaya weerarro isdaba joog ah oo ay geysanayaan kooxda xagjirka ah ee al-Qaacida ku xiran.

Al-shabaab ayaa Isniintii isku dayday inay weerarto garoonka diyaaradaha ee Belidogle ee koonfurta Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inay qaadeen 54 weerar oo cirka ah oo ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish sanadkan.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa xirneyd 1991. Mareykanka wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday dowladda federaalka Soomaaliya sanadkii 2013. laakiin howlgalka diblomaasiyadeed waxaa saldhig u ahaa Kenya.

Puntland Post