Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay bulshada ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee xarumaha ganacsiga ka hirgeliyay gudaha Puntland.
“Dukaamadii magaalada ku yiillay, waad ogtihiin, dadka walaalaheena ee Koonfur Galbeed ka yimid baa xoogoodi maalgashaday” ayuu yiri madaxweynuhu, isagoo sii raaciyay “qof kasta oo maalgashanaya dalkan, in la soo dhoweeyo baa la rabaa, xuquuqdiisana la ilaaliyo, hantidiisana la xifdiyo.”
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Puntland ay albaabada u furtay shirkadaha maalgashiga gobolka iyo kuwa caalamiga ah, waxaana uu shacabka reer Puntland ku boorriyay, in aysan hor istaagin maalgelinta Khayraadka dalka.
“ Dowladda Puntland, wax allaale iyo cid kasta oo rabta dalkan in ay maal-geliso albaabada ayey u furtay, sharcigii maal-gelinta ayay wax ka beddashay, waxay diyaar u tahay dadka Geeska Afrika iyo caalmka ee danaynaya in ay ka manaafacaadsadan” ayuu yiri mudane Deni.
“Waxaan kula dardaarmayaa dadka reer Puntland, in aysan noqon, dadka reer miyiga maahmaahday ku maahmaahan, dhuugu geedahana ma cuno geeluna kama daaqo, dad barwaaqada iska dul-fadhiya yaysan noqon.”
Hadalkan ayaa madaxweynuhu ka sheegay kulan dadweyne oo habeen hore lagu qabtay magaalada Boosaaso.
Hoos ka daawo muuqaalka
PUNTLAND POST