Jubbaland oo diiday natiijo kasta oo kasoo baxda shirka Muqdisho

Wasiirka maaliyadda Jubbaland

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa gabi ahaanba qaadacdey shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (SPF) oo maanta ka furmey magaalada muqdisho ee caasimada dalka.

Wasiirka Maaliyada Jubbaland mudane Cabdirashiid Jire Qalinle oo maanta xafiiskiisa kula hadley warbaahinta ayaa sheegey in ay DFS wado qaldan u martey casuumaada shirka taas oo sida uu sheegay ay asaga ku casuumeen halkii ay ku casuumi lahaayeen Madaxweynaha Jubbaland.

“Marka Koowaad casuumaada la soo diray mid toos ah ma aheyn baraha bulshada ayaa ka aragnay, mida labaad Casuumaada Xafiiska ay ku habooneyd lama soo marsiin, Madaxweynayaal ayaa la casuumay, in Jubbaland la dhaho Wasiir baa la casuumay waa qalad oo la dhaho Wasiirka Maaliyadda la casuumay oo matali doono arrin sax ah ma ahan”

Jubbaland waxay diiday natiijo kasta oo kasoo baxda shirkaas, maadaama ay ku tilmaamtay shir aan loo dhameyn oo ay ka maqan yihiin dowlad goboleedyadii ugu muhiimsanaa, talada dalkana wax ku lahaa.

Puntland Post

.