Jubbaland: Inta laga heshiinayo waa inaan la isugu imaan wax shir ah.

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbbaland ayaa ka dhawaajiyay inaanu suurtagal in dowladdu federalka qabato shirar, iyadoo uu jiro khilaaf siyaasadeed oo kala fogeeyay iyada iyo dowlad goboleedyada.

Wasiirka maaliyadda Jubbaland ayaa sheegay dowlad goboleedyadu intii khilaafku uu jiray inay ogolaadeen hal shir oo kaliya oo ka dhacay Addis Ababa, kaasoo ahaa shirkii dayn cafinta Soomaaliya, isagoo tilmaamay inay ahayd arin qaran oo cid waliba taabanaysay.

“Annagoo og inuu jiro khilaaf siyaasadeed, ayaan hadana ka shaqeynaynaa inta daynta laga cafiyo Soomaaliya,” ayuu yidhi wasiirku.

Wuxuu sheegay wasiirku inta lagu heshiinayo siyaasada guud ee dalka waa in la kala maqnaado oo cid waliba qabsato danaheeda ugaarka ah.

Halkaan ka daawo muuqaalka.