Hay’adda Amnest oo Maraykanka ku eedeysay inuu dad rayid ah ku dilay Soomaaliya

Baadhitaan ay sameysay hay’adda Amnesty International ayaa lagu shaaciyay in sedex nin oo lagu dilay duqeyn cirka ah oo Mareykanku ka geystey Soomaaliya bishii Maarso, ay ahaayeen dad rayid ah oo aan xiriir la laheyn kooxda Alshabab.

Amnesty waxay aaminsan tahay in weerarkaasi uu ku xadgudbay sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha – waxayna ugu baaqday dowladda Mareykanka inay sameyso baaritaan buuxa isla markaana ay dajiso nidaam ay dadka Soomaaliyeed ku soo sheegi karaan dhibaatooyinka shacabka ee weerarada Mareykanka.

Weerarkaan ayaa wuxuu ka dhacay 18-kii Maarso meel u dhow degaanka Abdow Dibile ee gobolka Shabeellaha Hoose. Waxaa duqaynta lagu burburiyey gaari nuuca Toyota Surf SUV oo ay la socdeen saddex beeraley ah oo kasoo laabtay beertooda kuna wajahnaa guryahooda oo ku yaalay Muqdisho, Leego iyo Yaaq Bariwayne.

Laba ka mid ah dadkii gaariga la socday ayaa isla markiiba ladilay , kuwaas oo kala ahaa darawalkii gaariga, Cabdiqaadir Nuur Ibraahim oo 46 jir ahaa Iiyo braahim Maxamed Xiirey oo 30 jir ahaa.

Ninka saddexaad oo lagu magacaabo Nuur Ibraahim oo 46 jir ah, ayaa si xun u gubtay wuxuuna ku dhintay isbitaal ku yaal Muqdisho ku dhawaad seddex toddobaad, kadib markii jirkiisu gubtay 50%

“Dowladda Mareykanka waa inay hubisaa oo ay sameysaa baaritaan buuxa, oo aan eex laheyn oo ku saabsan dhamaan eedeymaha lagu kalsoonaan karo ee ku aadan waxyeelada soo gaartay dadka rayidka ah, iyadoo lala xisaabtamayo kuwa masuulka ka ah xadgudubyada iyo in magdhaw lasiiyo dhibanayaasha,” ayaa lagu yidhi warkaan.
saddexdaas nin ayaa ka ka tegay 19 carruur ah.

Puntland Post