Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka warbixisay shirka caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadli doono arrimaha horumarinta dalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo looga warbixiyay shirkaasi, ayaa lagu sheegay in uu socon doono mudda laba maalmood ah, inta u dhexaysa 1-da iyo 2-da bishan October, islamarkaana diiradda lagu saari doono; arrimaha bulshada, dhaqaalaha, amniga, siyaasadda iyo caddaaladda waddanka, iyadoo ay ka qeyb-galayan in ka badan 50 dowladood.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhowaysay in gudaha waddanka lagu qabto shirkan oo hore loogu qaban-jiray dalalka yurub, iyadoo ku tilmaantay guul wax ku ool ah oo u soo hoyatay siyaasadda dalka, gaar ahaanna siyaasadda arrimaha dibadda. dowladdu waxa kale oo ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay qeyb libaax ka qaatan xasilinta iyo dib u-dhiska dalka.
Hoos ka eeg war-saxaafadeedka

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.