Amiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mohammed bin Salman, ayaa si daah furan uga hadlay dilkii weriye Jamal Khashoggi, oo lagu dilay qunsuliyada Sacuudigu ku lahaa Stanbul, 2dii October, sanadkii 2018
Isaga oo la hadlayay telefishinka CBS News, wuxuu sheegay inuu aqbalay mas’uuliyada qaar dilkii wariye Jamal Khashoggi.
Laakiin wuxuu dafiray shaqsiyan inuu amar ku bixiyay dilkiisa
Amiirka, oo loo arko inuu yahay hogaamiyaha dhabta ah ee Sucuudiga, ayaa la tuhunsan yahay inuu shaqsi ahaan u bartilmaameedsaday Mr Khashoggi, oo ahaa suxufi Sucuudiga dhaleeceyn jiray.
Wareysi uu siiyay barnaamijka ’60 Minit’ ee CBS maalintii Axadda, ayuu ku yiri: “Waxaan qaadanayaa mas’uuliyad buuxda hoggaamiye ahaan Saudi Arabia, maadaama ay dilka geysteen shakhsiyaad u shaqeeya dowladda Sacuudiga.”
Si kastaba ha noqotee, wuxuu dafiray inuu si toos ah u amray dilka Khashoggi ama inuu aqoon u lahaa waqtigaas.
Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa tan iyo markii la dilay weriyahaan waxaay maxkamad horkeeneen 11 nin.
Puntland Post