Maraykanka oo qeylo dhaan ka muujiyay halista Alqaacida ku hayso reer Galbeedka

Saraakiisha Mareykanka ee ka hortaga argagixisada ayaa ka dhawaajiyay inay sii kordhayaan qaylo dhaanta ka imaanaysa koox xiriir la leh Al Qaacida oo kasoo ifbaxday gudaha Syria.

Maraykanku wuxuu sheegay kooxdaan inay maleegayaan weeraro ka dhan ah reer galbeedka iyagoo ka faa’ideysanaya xaalada amni xumo ee waqooyiga galbeed ee dalka Syria oo ay ciidamadu Rushka ka howlgalaan.

Kororka kooxdaan Alqaacidada xiriirka laleh iyo howlgalada ururada kale ee xiriirka laleh Qaacida ee Galbeedka Afrika, Soomaaliya, Yemen iyo Afgaanistaan, waxay hoosta ka xariiqaysaa khatarta joogtada ah ee argagixisada kadib geeridii hogaamiyihii Alqaacida Osama bin Laden.

Kooxdaan oo lagu magacaabo Hurras al-Din, ayaa soo baxday horaantii sanadka 2018 kadib markii dhowr qaybood ay ukala jabeen kooxihii islaamiyiinta ahaa ee ka dagaalamayay gudaha dalka Syria.

Waxay kooxdaan badaleen Khorasan Group oo ka koobnaa dagaalyahano iyo saraakiil sare oo katirsanaa Alqaacidada. Hurras al-Din, waxaa loo aqoonsaday urur yar oo halistiisu weyn tahay, waxaana loogu talo galay weerarada ka dhanka ah reer galbeedka.

Hurras al-Din,” ayaa la rumeysan yahay inay leeyihiin inta u dhaxaysa 1,500 iyo 2,000 oo dagaalyahanno ah, oo kala bar ka mid ahi yihiin dagaalyahanno shisheeye.

Puntland Post