Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa xalay shaaciyay in uu dib ula soo noqday, wakaalashadiisi hawlaha dib u-heshiisiinta Galmudug oo uu bishii July ee sannadkan u dhiibtay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in kadib markii mudda saddex bilood ka badan ay dowladda Federaalka Soomaaliya natiijo la taaban karo ka samayn weyday, hawlaha dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug, uu go’aansaday in uu dib ula soo noqdo wakaalashadiisi.
Sidoo kale, wuxuu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay awood-maroorsi iyo kala qeybin ku samaysay odayaasha dhaqanka ee matala beelaha Galmudug, islamarkaana ay si qaldan uga faa’idaysatay wakaalashadiisi hawlaha Galmudug.
Waxa kale oo uu Villa Somalia ku eedeeyay, in ay Galmudug u dhisayso maamul dhinac ka raran oo aan loo dhammayn, ayna xallin weyday tabashada beelaha deggan magaalada Cadaado iyo sidoo kale khilaafkii Galmudug iyo Ahlusunna.
Mudane Xaaf, wuxuu shaaciyay in uu si deg deg ah u soo magacaabi doono guddiyo loo dhanyahay oo ka shaqeeya arrimaha dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug, isagoo ku amray dhammaan wasiiradii Galmudug in ay dib isugu yimaadan, si loo dardar geliyo hawlaha horyaalla Galmudug.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.