Dowladda Maraykanka ayaa si adag u cambaaraysay qaraxyo maanta ka kala dhacay garoonka diyaaradaha Ballidoogle oo saldhig u ah ciidamada Maraykanka ee tababara kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qarax kale oo ka dhacay nawaaxiga Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho kaasi oo lala eegtay kolonyo ciidan oo halkaasi maraysay.
“Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysa weerarrada maanta ka dhacay Baledogle iyo Muqdisho. Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fariisiin ciidanka Soomaaliyeed uu ku lee yahay Baledogle ee gobolka shabeelaha hoose. Ciidanka oo ahaa mid fajignaan muujinaayo ayaa ku guuleystay in uu ka hortago wareerka fashilmey, oonan u oggolaanin kuwa weerarka soo qaaday inay jebiyaan darbiga difaaca ee saldhigga. Waxaan ku faraxsannahay in aysan jirin qasaara kasoo gaarey labadii weerar ciidanka xoogga dalka” ayaa lagu yiri qoraal Af-Soomaali ku qoran oo lagu daabacay bogga safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.
Dowladda Maraykanku waxay sheegtay in weeraradaasi ay muujiyeen in Al-shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka iyo nabadda Soomaaliya waxaana ay ballan-qaaday in ay xoojinayso taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed islamarkaana ay gacan ka gaysanayso dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ah.
“Weerarkan ayaa mar kale muujiyey in Al-Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya. Dowladda Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dadaalka xooggan ay siineyno dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anigo oo gacan ka geysaneyno dadaallada wadajirka ah taaso lagu doonaayo in logu baabi’iyo kooxaha argagixisada iyo dhisida dal xoog leh oo dadkiisa ku horseedo barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan”.
PUNTLAND POST