Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya oo Puntland wax ka weydiiyay kufsiyadii dhacay

Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir oo socdaalk ku jooga Garowe, ayaa sheegay inay Puntand u yimaadeen sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dambiyada abaabulan ee Kufsigu ugu horeeyo.

Xeer ilaaliyaha oo maanta kulan la qaatay laamaha garsoorka iyo Booliiska Puntland, ayaa ka dhawaajiyay in Puntland iyo Muqdisho ay yihiin meelaha waayahaan dambe aad looga sheegayay falalka kufsiga, isagoo caddeeyay in loo baahan yahay in wax la iska weydiiyo sababaha dhaliyay iyo tilaabooyinka laga qaaday.

Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha guud, ayaa la filayaa inuu kormeer ku sameeyo xabsiga magaalada Garowe, halkaas oo ay ku xiran yihiin maxaabiis loo haysto dambiyo kufsi.

Puntland ayaa dhawaan dil ku riday saddex eedeeysane oo lagu helay inay kufsi iyo dil u geysteen gabadh 13 jir ahayd oo magaceedu ahaa Caa’isha Ilyaas Aadan. Falkaas oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Waxaa sidoo kale, laamaha garsoorka Puntland laga sugayaa inay cadaalad la marsiiyo dadkii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Hodan oo ahayd haweenay Xaas ahay, oo falkaas loogu geystay Garowe.

Puntland Post