Dowladda Federalka Soomaaliya gaar ahaan xafiiskeeda xeer ilaalinta ayaa maanta magaalada Garowe tababar ugu furay laamaha garsoorka, laamaha Booliiska, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha iyo qareenada madaxa bannaan, iyadoo la fahansiinayay hab cusub oo ay dowladda Federalku u bixin doonto warqada dhaawac muujinta ee Rifeertada.
Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay warqada dhaawac muujinta ee hadda laga bixiyo xarumaha booliiska inay saameyn weyn ku leedahay mustaqbalka qofka nolashiisa, iyadoo mar walba ay ku xiran tahay sugnaanshaha habka loo bixinayo.
Dr. Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay in dambiyo badan oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha lagu geystay qaab khaldan oo loo adeegsaday Rifeetooyinka, iyadoo ay masuul ka yihiin xarumaha laga bixiyo.
Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in dowladda Federaalka sannadka ugu horeeya ay dhammaan xarumaha booliiska Soomaaliya gaarsiin doonto Rifeertooyin aan waxba laga badeli karin, la koobiyayn karin islamarkaana numberaysan oo lagu qori doono xogta dhibbanaha.
Halkaan ka daawo. Muuqaalka