Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay khudbaddiisi uu ka jeediyay shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay waxa uu caalamka u caddeeyay in Soomaaliya aysan dalka Kenya wax gorgortan ah kala geli doonin kiiska badda ee horyaalla Maxkamadda Cadliga Adduunka.
“Soomaaliya maadaama oo ay tahay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay ayna qayb ka tahay una hoggaansan tahay Sharciga Maxkamadda, waxa ka go’an inay ka dhur sugto dhammaadka hannaanka xalka garsoorka. Soomaaliya waxay ballanqaadday inay u hoggaansami doonto xukunka kama dambaysta ah ee Maxkamadda iyo inay aqbasho xadka ay Maxkamaddu jaangoyso. Maadaama arrintu tahay mid la xiriirta sharciga caalamiga ah” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Kenya ay ku khasbantahay in ay u hoggaansanto xukunka Maxkamaddu ka gaarto kiiska badda”xukunka Maxkamaddu waxa uu sidoo kale qabanayaa Kenya. Waxaannu ku kalsoonnahay in marka xukunka la soo saaro isla markaana la jaangooyo xuduudda, in xal waara loo heli doono khilaafka muddada dheer soo jiitamay.”
Halkan ka daawo hadalka madaxweynaha
PUNTLAND POST