Madaxweyne Deni: Hawada Soomaaliya maahan Dukaan qof leeyahay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu ka qeyb galayo caleemo-saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaan (Axmed Madoobe).

Madaxweyne Deni oo wareysi gaara siiyay Idaacada VOA-da ayaa sheegay  in uu ka mid yahay martida lagu casumay caleema-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe, uuna tagi doono magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in hawada Soomaaliya aysan ahayd dukaan qof leeyahay, ee ay tahay hawo sharci lagu maamulo, sharcina lagu maro, qawaaniin caalami ah iyo kuwa Soomaaliya-ba ay u xilsaaran yihiin.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa xusay in uu aad uga xun yahay in uu dhaco ku xad-gudub Dastuur, oo dadka loo diido xaqa uu Dastuurku siiyay, aysana ahayn arrin ku haboon dadnimada iyo dowladnimada.

Ugu dambeyn Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in uu rajeynayo in dowladda iyo dadka ka shaqeeyay xanibaada duulimaadyada Kismaayo uu caqligu u talin doono.

PUNTLAND POST