Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faray masuuliyiinta golihiisa xukuumada ee kasoo jeeda gobolka Cayn inay si degdeg ah ku tagaan magaalada Buuhoodle, waxaana amarkaan madaxweynuhu soo saaray kahor inta uusan u safrin Bosaso.
Wafdigaan ayaa la filayaa in uu hoggaamindoono wasiirka shaqada iyo shaqaaalaha dowladda Puntland, Jaamac Faarax Muuse, waxaana safarka ku wehlindoona wasiirka degaanka iyo isbedelka cimilada, wasiir ku xigeenada iyo xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Cayn.
Waxaa la filayaa inay noqdaan wafdigii ugu cuslaa ee taga magaalada Buuhoodle .
Weli lama oga ujeeddada safarka masuuliyiinta, hase ahaatee warar madax bannaan oo uu helay Puntland Post ayaa sheegaya in uu la xiriiro qorshe madaxweyne Deni ku doonayo in wasiir waliba oo xukuumadiisa katirsan uu tago gobolka u kasoo jeedo farriiinta xukuumadana halkaas gaarsiiyo.
Wafdigaan ku wajahan magaalada Buuhoodle, oo la qorsheynayay inay Buuhoodle u safraan maalin kadib amarka madaxweynaha, ayaa weli u xayiran wasaaradda maaliyadda Puntland oo la faray inay fududayso qarashka ku baxaya socdaalka wafdigaan.
PUNTLAND POST